Wararka laga helay gobollka Soomaalida ee NFD ayaa waxaa ay sheegayaan in goor-dhow uu ka kacay dab xoogan xeradda Qaxootiga Xagar-dheere ee Gobollka Soomaalida NFD ee dalka Kenya.
Sidda ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka in uu goor-dhaweyd ka kacay dab xoogan oo sii xoogeysanaya daqiiqad wali middii ka dambeeyo, islamarkaana dadka xeradda ku jira ay ku howlan-yahiin inay damiyaan dabka.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen inaysan wali soo gaarin wax ka mid ah gawaaridda loo yaqaano dab damiska ah ee ka hortaga meelaha ay dabka ka kacaan, balse ay ku howlan yahiin dadka deegaanka oo kaliya inay damiyaan dabkaasi sii xoogeysanaya.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la filan karaa inuu dabkaasi sababo khasaare naf iyo maal-ba leh oo uu sababa dabkaasi iminka ka holcay xeradasi ay ku jiraan dad barakacayaal ah ee ka soo hayamay dalka Soomaaliya.
La soco wararkeena dambe Insha Allah
Asma Mohamed
Baledweyn Online
Nairobi, Kenya.