February, 22-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
John Cassidy oo shalay ku sugan maxkamada Glasgow, ninkan ayaa jirdilay wiil Soomaali ah oo 12 sano jira. John Cassiday ayaa la sheegay inuu jirdilay oo madaxa uga joogsaday wiilka Soomaali ah oo 12 sano jira kadib markii uu cunugaasi Soomaaliga ah candhuuf uu ku tufay wadadii uu marayey.







Ninkan ayaa xiligaasi watay gaari jidka marayey, kadibna intuu kasoo degtay gaariga oo uu baacsaday wiilkan Soomaaliga ah jirdil xoogleh u geystay, wiilka Soomaaliga ah ayuu kadib madaxa uga joogsaday, sida shalay maxkamada magaalada Glasgow laga horcadeeyey.

Wiilka Soomaaliga ah oo Maxkamada yimid si uu ugu markhaati kaco ninkan jirdilka u geystay ayaan shacabka wajigiisa la tusin maadaama uusan qaan-gaar ahayn isla markaana uu yahay 12 sano jir. Wiilkan Soomaaliga ah ayaa sidoo kale ah cunug jiran oo qaba cudurka Kansarka ee loo yaqaan (leukaemia), xiligaasna ay u socotay daawooyin badan.

Wiilkan Soomaaliga ah oo Maxkamada ka hadlay ayaa sheegay in xiligii weerarka lagu soo qaaday uu la socday saaxiibadiisa isla markaana ay ka yimaadeen xarunta lagu dabaasho ee Springburn Leisure Centre oo ku taal magaalada Glasgow. Wuxuuna sheegay in xiligaasi uu hayey calool xanuun, wuxuuna sheegay inuu xanjo uu cunayey uu dhulka ku tufay, kadibna uu ka war helay ninkan oo weerar kusoo qaaday.

Ninka falkan geystay ayaa ku dhawaaqayey erayo isir naceeb ah ama cunsuriyadi ka buuxdo, sida ay sheegeen saaxiibadii wiilkan oo iyaguna ka hadlay qaabka falkan u dhacay.

“…Aniga dhulkaan ku dhacay waana suuxay, balse ma ogeyn wixii kale oo uu igu dhuftay…” ayuu yiri wiilkan yar ee Soomaaliga ah, balse waxaa la sheegay in wiilkan markuu suuxay uu ninkan madaxa uga sii joogsaday oo madaxa laad iyo feer kala dhacay wiilkaasi 12 sano jir ah.

Maxkamada magaalada Glasgow ee Sheriff Court, ayaa sheegtay in ninka maxkamada lasoo saaray oo lagu magacaabo John Cassidy lagu helay danbiga, isla markaana dhawaan lagu dhawaaqi doono xukunkiisa, balse falkaani isir naceybka ah waxuu cabsi galiyay ajaanibta oo dhan..




Baledweyn Online
News, Desk.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS