Tan iyo markii diyaaradaha Drones-ka ay hawl galo ka bilaabeen dalalka Afghanistan, Pakistan, Somalia iyo Yemen, ayaa waxaa la soo bandhigay tirada ugu dhaw, ee ay hawl galadaasi ku dileen.
Sida warbaahinta gudaha Mareynkanka ay baahiyeen iyagoo soo xiganaya xildhibaano ka tirsan Mareynkanka, diyaaradaha Mareynkanka aan cidi duulin ayaa wadamada Soomaaliya,yemen,Pakistan iyo Afgaanistaan waxay ku dileen dad gaaraya 4,700 -Qof oo isugu jira dagaalyahano iyo shacab sida warbixinta ay sheegeyso.
Wakaalada wararka AFP oo arrintaan wax ka qortay ayaa sidoo kale waxay daaha ka rogtay in arintaan Saraakiisha dowlada Mareynkanka isku qilaafsan yihiin duqeynta diyaaradeed ee wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay sida sharcidarada ah looga fulinayo,iyagoo qaarkood qaba fikrada ah in inta badan duqeynta goobaha laga fuliyo ay ku dhintaan dad shacab ah marka laga soo tago dagaalyahanada ku dhimanaya.
Waa markii ugu horeysay Shaqsi ka tirsan dowlada Mareynkanka ama u taagan uu shaaca ka qaado tirada dhabta ah ee ku dhimata duqeymaha Mareynkanka uu geysto,kuwaasi oo cambaareeyeen Kooxaha u dooda xaquuqul insaanka iyo Kooxaha kale ka hortaga xadgudubyada loo geysto bini-adamka.