February, 22-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Gudoomiyaha Gobollka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Tarsan ayaasheegay inuu gogol nabadeed u dhigayo odayaasha dhaqanka ee deegaanada Soomaalida si ay uga hadlaan xaaladdaha dalka una soo afjaraan murugada dalka.





Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shalay uu kulan ballaaran uu Magaalada Muqdisho uu kula yeeshay Odayaashii Dhaqanka ee meel mariyay Dastuurka Qabyo Qoraalka, soona xulay Xildhibaanada Baarlamaanka ee haataan shaqeeya.

Odayaashaan ayaa waxay ammaan iyo bogaadin ay kolka hore u jeediyeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in uu qabtay shaqo culus, uuna Magaalada Muqdisho ka dhigay mid dib u soo kabaneysa.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay Duqa Magaalada Muqdisho ay ku ammaaneyn in uu yahay shakhsi hawlkar ah, Wadani ah, ayna ka go’an tahay in uu wax ka qabto hawlaha shaqo ee loo soo igmaday.

Gudoomiyaha Gobollka Banaadir mudane Tarsan oo markaasi kadib ka hadlay goobta ayaa waxaa uu tilmaamay in uu soo hagaagaayo ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in ammaanka Magaalada Muqdisho oo la xaqiijiyaa, uu yahay sida uu yiri mid muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa uu mudane TarsanOdayaashaan uu u jeediyay inay isugu yeeraan dhamaanba Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed, uuna isugu uu dhigaayo Gogosha gudaha Madasha ay Odayaashaan isugu imaanayaan si buu yiri loosoo gaba gabeeyo murugada haataan gaba gabada ku dhaw, ee ka taagan sida uu yiri Soomaaliya.


Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS