Hay’adda waxaa ay sheegtay in dawlada Holland looga baahanyahay inay xaq dhawrto sharciga caalamiga ah ee ee dhawraya xaquuqda xaqootiga waxaana warka ay Humar Rights soo saartay ku sheegtay in haddii Soomaalida dalka lagu soo celiyo ay wajihi karayaan dhibaatoonyin amni.
Gerry Simpson, oo ah madaxa cilmibaarista arrimaha qaxootiga ee Huan Rights ayaa sheegay in dawlada Hollaand aan loo fadhin xilligaan inay go’aankeeda ku dhaqaaqdo marka dhawr dhinac laga eego waxaana uu intaa raaciyay in willi qeybo ka mid ah gobolada koofurta Soomaaliya ku yaala ay adag tahay in dada lagu celiyo.
Hadalkaani ka soo yeeray hay'addaani ayaa waxaa uu imaayaa xilli maalintii arbadaddii aynu soo dhaafya dowladda Holland sheegtay inay qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed u soo celineyso hadlkooda, balse waxaa diiday maxkamadda sare ee dalkaas oo dadkaasi si KMG ah ah u baajisay.