Doorashada waxaa ka qaybqaadanaya Saddex Xisbi oo laba kamid ah ay yihiin Mucaaradka halka kan kale yahay Xisbiga talada haya ee aan 10-kiis sano ee la soo dhaafey lagula tartamin Golaha Sharci Dejinta Jabuuti.
UMP oo ah xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Ismaaciil Geele
USN oo uu hoggaamiyo siyaasi mucaarad ah oo dhawaan ku soo laabtey Jabuuti Daahir Axmed Faarax
CDU oo ah xisbi cusub oo mucaarad ah waxaana hoggaamiya Cumar Cilmi Kheyrre
Qiyaastii laba boqol oo kun oo qof oo Jabuutiyaan ah ayaa doorashada ka qaybqaadanaya, waxaana ay ka codeynayaan 500 oo goobood oo la dhigey sanaadiikhda waraaqaha codadka lagu rido kuwasoo kala bar kamid ah la dhigey caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti.
Doorashadan ayaa Xisbiyada Mucaaradka u oggolaaneysa markii u horeysey muddo 10 sano ah in ay u tartamaan baarlamaanka. Waxaana qaar kamid ah Mcuaaradku wel-wel ka qabaan in doorashadu noqoto mid xornimo iyo xalaal-miirad u dhacda.
Waxaa doorashada ka qaybqaadanaya kor-joogayaal caalami ah oo ka socda dalalka reer Galbeedka iyo Midowga Africa, hase yeeshee dalkaani Jabouti ayaa ah dal aad u yar kuna yaala Badda cas, waxaa xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin madax-banaan ku eedaynayaan Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cuamr Geele in uu u xuub-siibtey keli-talisnimo.
Ugu dambeyntii ayuu madaxweyne Geelle ku eedeeyey xibsiyada mucaaradka ah in ay yihiin kooxo damacsan qas iyo foodow aan talada dalka lagu aamini karin, waxaana todobaadyo ka hor xabsiyada loo direy qaar kamid ah hoggaamiyaasha mucaaradka.