Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtey maalintii Jimcada in ay ku tuhmayaan in weerarkan ay fuliyeen kooxda DHKP-C ama Kacdoonka Shacabka ee Xoreynta Ciidanka.
Kooxda DHKP-C ayaa qaatey masuuliyadda weerarkaas , waxaana ay ku soo bandhigeen Website ay iska leeyihiin ninka fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa. Kooxdan ayaa aminsan in dalka Maraykanku ula dhaqmo Turkiga sida Addoon ay iska leeyihiin.
Waxaa weerakii Jimcadda ku dhintey ninii weerarka qaadey iyo qof waardiye ka ahaa Safaaradda maraykanka.
Ninka weerarka ismiidaaminta ah qaadey ee ka tirsanaa kooxdan xagjirka shuuciga ah ayaa la sheegey in da’diius hayad 40, horey loogu xukumey xabsi daa’in, waxa uu ka qaybqaatey Mudaaharaad xabsiga ka dhacay kaas oo ay cunada uga soomeen kadibna dhanka maskaxda ayaa wax ka gaareen, sida maamulka Turkiga laga soo xiganayo.
Baledweyn Online
News Desk