February, 03-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Garoonka diyaaradaha FIumicinoee ku yaallaMgaalada Roma caasimadda Dalka Talyaaniga ayaa waxa jirto in diyaarad ka soo kacday magaalada Pisa oo ku soo jeeday garoonka magaalada Roma ay wadadii loogu tala galay ay ka baxday.








Diyaaradda oo nooceeda lagusheegay ATR 72 ayaa markii ay so dagtay kadib waxaa ay ka baxday wadadadii loogu tala galay inay marto, taasoojeertay geedaha ku yaalla hareeraha garoonka diyaaradaha ee magaalada Roma.

Waxaana ku dhaawacmay in 16 ruux oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaraada saarnaa, halka 6 ka mid ahna ay tahay kuwa xaaladoodu caafimaad aad u liidato waxaana loola cararay dhamaantoon isbitaal gar gaarka deg deg ah ee ku yaalla magaalada Roma.

Waxaana saarnaa 46 ruux oo rakaa ah iyo 4 shaqaallaha diyaarada waxeyna dhamaantood ahaayeen 50 ruux oo saarnaa diyaaradda, taasoo ka timid magaalada Pisa ee isla dalka Dal Talyaaniga, waxaana xusid mudan in magaalada Roma iyo Pisa ay isu jiraan masaafo aad u yar.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay masuuliyiinta garoonka oo sabab uga dhiagy inay wadadii loogu tala galaay ka baxdo diyaaradaani ay tahay cimiladda oo saakay oo ah Axad aad u xumeyd awgeed ama qal qal ku yimaaday duuliyaha diyaaradda waday.



Abdifitah Ali BaadiDoon
Baledweyn Online
News, Desk.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS