February, 03-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Waxaa magaalada Kirku ee waqooyiga dalka Ciraaq ka dhacay weerar loo isticmaallay gaari uu waday ruux naftiis hura ah oo gudaha u galay xarunta saldhiga ciidamada Police-ka magalaadaasi, kaasoo markii dambe isku miidaamiyay goobtaasi.








Qaraxaani ismiidaaminta ah kadib ayaa waxaa goobta rasaas noc daran dooriga u dhacda ay la beegsadeen kooxo kale oo hubeysan, islamarkaan la beegsaday ciidamada Police-ka iyo dad kale oo saldhiga ku sugnaa.

Natah Mohamed Sabr oo ah madaxa gargaarka deg-deg ah ee magaalada Kirkuk ayaa sheegay in kuwa weerarka geystey ay ku hubeysnaayeen noocyo kala duwan oo hub ah, waxaana ay iska soo hor mariyeen gaari bom ku xiran yahay kaas oo u wadey qof naftiisa miidaamiyey, waxaana markii qaraxu dhacay xaaladdu noqotey mid aad u qasan taas oo ay ka faa’ideysteen.

Sida laga soo xiganayo masuuliyiinta magaalada Kirkuk dad ka badan 30 ruu gaaraya ayaa ku dhintay, halka 70 ruux oo kalena ay weerarkan ku dhaawacmey kuwaas oo qaarkood xaaladoodu tahay mid liidada.

Si kastaba waxaa ay yara nasteen ciidamadda dalka Ciraaq Isbuucyaddii ugu dambeeyay weeradadda ceynkaan oo kale ah, hase yeeshee werarkaani ma jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa.


Abdifitah Ali Baadidoon
Baledweyne Online
News Desk

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS