February, 02-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tababar usoo xiray Dhalinyaro loo tababaray iney ka hortagaan Xiliyada ay dabka ka kacan goobaha Ganacsiga iyo meela kalaba.






Taliyaha Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya Andarel Guuti oo ka qeybgalay munaasibadda Xiritaanka tababarka ayaa sheegay in la sii wadi doono tababarada la siinaya shaqaalaha dowladda hoose iyo ciidamada kale ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur “Tarsan” ayaa isna halkaasi uga mahadnaqay ciidaamada AMISOM tababarka ay siisay shaqaalaha cusub ee dabdamiska.

Qaar ka mid ah shaqaalahii loo soo xiray siminaarka ayaa sameeyay dhoolatus ay ku muujinayaan waxyaabihii ay ka faa’ideen intii uu socday tababarka.

Ugu dambeyntii tababarkaa ayaa waxaa uu socday muddo afar isbuuc ah, waxaana ka faa’iideystay intii uu socday 20 Qof oo loo soo xulay in ay bartaan dab Damiska waxaana tababarka ku soo baxay 16 ka mid ah labaatankii Qof ee la tababarayay kuwaas oo shan ka mid ah dhawaan tababar kale oo dheeraad ah loogu qaadi doono dalka Kenya.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.



Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS