Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirada Arrimaha dibadda, Gaashaandhiga iyo Deeqaha. Afartooduba waxay booqasho ku tageeen magaalada Timbuktu oo ahayd goob dhawaan laga saarey kooxaha mucaaradka dalkaasi, hase yeeshee wafdigaani uu hogaaminaya madaxweynaha waxaa lo soo dhaweeyay si aanan caadi aheyn.
Waxaa la sheegayaa in dowladdaFaransiiska ay doonaya in hawlgalka Mali ay hoggaamiyaan Midowga Afrika kaas oo loogu magacdaray AFISMA.
Booqashada madaxweynaha Faransiiska ayaa ku soo beegmaysa xili ciidamada dalka Mali lagu eedeeyey in ay geysteen xasuuq ka dhan dadka ka soo jeeda waqooyiga Mali ee isugu jira Carabta iyo Tuarega. Boqolkiiba 15 dadka degan Mali ee 16 milyan ah waxa ay ka soo jeedaan qawmiydaha Tuarega iyo Carab waxaana ay degaan saxaraha Waqooyi ee dalkaas, waxaana ay muddo dheer doonayeen in ay ka go’aan Maali inteeda kale.
Si kastabaHawlgalka iminka Faransiisku hormuudka ka yahay ayaa la filayaa in uu dheeraan doono muddada uu socdo, waxaana dalalka Afrikada Galbeed qaarkood ay ku yabooheen ciidamo ka hawlgala dalka Mali oo aad u fara badan.
Baledweyn Online
News Desk