January, 14-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Askerigii u dhashey dalka Faransiiska ee ku dhaawacmey hawlgalkii fashilmey ee lagu soo badbaadinayey Denis Allex, ayaa u dhintey dhaawicii soo gaarey saacado kadib sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadley Al-Shabaab.






“Askerigii Faransiiska ahaa kaas oo qayb ka ahaa duulaanka Soomaaliya lagu soo qaadey waa dhintey waxaana uu u dhintey dhaawac soo gaarey” sidaas waxaa AFP u sheegay Cabdulcasiis Abu-muscab.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in askeriga dhaawaca ay ku qabteen oo dhintey iyo mid kale oo hawlgalkaas uga dhintey Faransiiska ay dhawaan soo bandhigi doonaan, balse waxaa ay soo bandhigeen hal askari oo kaliya halkii saakay ay balan qaadeen inay soo bandhigi doonaan labo askari.

Faransiiska ayaa horey u qirtey in mid kamid ah Askartooda uu ku dhintey hawlgalkaas halka mid kalena la waayey, waxaase mar danbe ay sheegeen in uu dhintey, Dhamaan ciidamada hawlgalka fuliyey ayaa xirnaa qalab lagu ogaanayo halka ay joogaan haddii ay dhumaan ama khatar galaan kaas oo aanu askerigu shidin waana sababta lagu ogaadey in uu dhintey ayuu yiri mid kamid ah askarta Faransiiska oo aan magciisa la shaacin kaas oo waraysigiisa lagu daabacay Joornaalka le Point.

Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.









Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS