January, 14-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Maamullka Dowladda Soomaaliya ee ka arrimiya Gobollka Shabeellaha dhexe ayaa maanta albaabada isugu dhuftay labo xawaaladood oo ka howlgali jiray Magaalada Jowhar, xawaladaani waa ay kala yahiin Juba Iyo Olompic.








Iyaddoo maamullka Gobollkaasi uu soo saaray dhawaan in shirkad kasta ay bixiso qiimo lacageed oo dhan 1000 Kun dollar oo Mareykanka si wax loogu qabta xaaladaha caafimaadka iyo nadaafada guud ee deegaanada Gobollka Shabeeladda Dhexe.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in maamulka uu amarkaasi soo saaray shirdaha Jubba iyo Olampic -na ay ka bixi waayen fulinta amarkaasi oo ay aad ugu adkaatay.

Kadib markii ay ka dhaga adeegeen labadaani xawaaladood ayaa lagu amray inay maanta howlahooda shaqo joojiyaan, maadaama ay diideen inay bixiyaan lacagaha canshuurta ah oo la dul dhigay.

Waa markii ugu horeysay oo amar sidaan oo kale ah lagu soo rogo shirkadaha xawaaladaha ee magaalada Jowhar waxii ka dambeeyay markii ciidamada dowlada la wareegeen magaaladaasi Jowhar ee Gobollka Shabeelaha Dhexe.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS