Khaliif Axmed Ereg,oo ah taliyaha hayada Nabad sugida gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalkii maanta uu ahaa mid laga sameeyay degmooyinka Yaaqshiid iyo degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Dhalinyaro badan oo laga soo qabtay labadaasi degmo ayuu sheegay Ereg in 137 ka mid ah ay ku cadaatay inay ka mid ahaayeen ciidamada ururka Alshabaab,isagoo sheegay in la xiray dhamaantood.
Ciidamada AMISOM oo qeyb ka ahaa howlgalkii maanta ayaanan ka hadlin walli,iyadoo saraakiisha ciidamada nabad sugida ay sheegeen in howlgalkii maanta uu ahaa mid qorsheysanaa.
Dhalinyarada maanta lasoo qabqabtay ayaa gaaraya 477 sida uu sheegay Khaliif Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiintii horkacaysay howlagadaani baaritaano oo lagu soo qabtay dadkaani aadka u faraha badan oo looga tuhuno qabo inay xiriir la leeyahiin maleeshiyaadka Al-shabaab.