January, 14-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Warar ka soo baxay Al-shabaab isla markaana ya baahiyeen web-siteyada ku hadla iyo warbaahinta ku hadasho afka Shabaabka ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday askari Faransiiska looga qabtay dagaalkii Buulo-mareer oo dhaawac ahaa.





Alshabaab ayaa sheegay in qeybaha caafimaadka ee iyaga taabacsan isku dayeen daryeelka askariga, balse lagu guul dareystay, sida warka loo dhigay.

Barta Alshabaab ee warkaan baahisay ayaa sheegtay in Xafiiska Warfaafinta ee Alshabaab uu baahin doono sawirada askariga geeriyooday iyo aqoonsiyadiisii.

Afhayeenka howl galada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Reuters in askariga labaad ee Kumandoska uu u dhintay rasaastii la is dhaafsaday howl galkii Buulo Mareer.

"Askariga labaad ee Faransiiska waxaa uu u dhintay rasaastii uu ku dhawacmay, waxaa soo bandhigi doonaa meydadka labo askari Faransiis ah" ayuu yiri Abuu Muscab.

Faransiiska ayaa qiray weerarkii ay ku qaadeen deeganaaka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose looga dilay 1 askari, mid kalana la’ayahay, kaasoo Alshabaab sheegeen iney gacanta ku dhigeen isagoo dhaawac ah.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS