Waxaa la sheegayaa in diyaaradaha dalka France ay duqeymo aad u xoogan ka geysteen magaaladaGAO oo ah magaalada ugu weyn Waqooyiga dalkaasi Mali, magaaladaasi ayey xoogaga Islaamiga ah gacanta ku dhigeen bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay.
Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyey magaalada Lere oo 150km dhanka Waqooyi ka xigta magaalada Konna oo ah goobtii dagaalkii ugu xooga badnaa ka dhacay maalinimadii Sabtidii, halkaasi oo lagu dilay mid kamid ah duuliyayaasha diyaaradaha Faransiiska.
Duqeynta Lere ayaa la sheegay in lala beegsaday kaydka hubka ee kooxda Ansaarul Diin oo iyagu dagaalka kala soo horjeeda xukuumada Mali, duqeynta Faransiiska ayaa u muuqata mid lagu sii balaariyey Waqooyiga dalka Mali.
Ugu dambeyntii magaalada GAO ayaala tilmaamayaa in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha diyaaradaha Faransiiska, waxaana sidoo kale ay jabhada Tawaareqda iyo Ansaarul Diin ay baneeyeen xarumahoodii ugu waaweyn oo uu burbur kasoo gaaray duqeymaha.
Baledweyn Online
News Desk