January, 14-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Culimaa'udiin ka soo jeeda dalka Pakistaan ayaa waxaa ay bilaabeen mudaharaadyo nabadeed oo ay wadooyinka dalkaasi ku marayaan socod dheere, iyagoo dalbadanay in sharciga iyo qaabka dorashooyinka wax laga badallo.








Wadaadkan iyo taageerayaashiisa oo ku dhaw 8 kun ayaa socodkooda kasoo bilaabay magaalada Lahore ee bariga dalkaasi Pakistaan asagoo socod ku tagi doonaa magaalada caasimada ah ee Islamabad.

Wadaadkan oo lagu magacaabo Tahirul Qadri ayaa sheegay inuu doonayo inuu isbedal nabad ama kacdoon nabad ah uu ka bilaabo dalkaasi Pakistaan. Wadaadkan ayaa bishii December dib uga soo noqday dalka Canada oo uu muddo ku noolaa. Wadaadkan ayaa wuxuu hogaamiyaa dhaq dhaqaaq la baxay Mihaj-Al-Qur’aan.

Tahirul Qadri ayaa qorshihiisa yahay in mudaharaadkiisa ay ka qeyb qaataan dad gaaraya 1 milyan oo qof isla markaana lagu cadaadiyo dowlada Pakistan inay isbedalo rasmi ah ka sameyso dhanka doorashooyinka iyo waliba maamulka.

Hogaamiyahan ayaa ku eedeeyey dowlada Pakistaan mid musuaq maasuq ah isla markaana isbedal deg deg ah lagu sameeyo sharciyada Doorashooyinka kahor doorashada Baarlamaanka oo lagu wado inay dhacdo bisha May. Baarlamaanka dalkaasi Pakistan ayaa la kali diri doonaa bisha Maarso.

Wadaadkan ayaa sidoo kale soo jeediyey in Xukuumad kumeel gaar ah la dhiso taasina ay soo diyaariso Doorashooyinka lagu wado inay dhacdo bartamaha bisha MAY, wuxuuna sheegay in xukuumada kumeelgaarka ah dhismaheeda ay ka wada tashadaan Xisbiyada, Garsoorka iyo Militariga.

Dowlada Pakistaan ayaa sheegtay inaysan ka hor joogsan doonin Wadaadkan Mudaharaadkiisa, waxayna xukuumada heegan gelisay ciidamo gaaraya 10 kun oo askari oo la dhigay wadada ay marayaan dadka mudaharaadaya iyo goobaha laga soo galo magaalada caasimada ah ee Islamabad, waxaana xusid mudan inuu wadaadkan ka yimaaday dalka Canada.



Baledweyn Online
News Desk

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS