Habeenimadii Sabtida (12/01/2012) ayaa ciidamo gaaray 50 askeri oo wata 6 diyaaradood ka fuliyeen tuulada Buula mareer ee Gobolka Shabeelada Hoose hawlgal dhicisoobey, kaas oo ay doonayeen in ay ku soo furtaan Denis Allex oo tan iyo sanadkii 2009 al-Shabaab afduub u haysteen.
Obama warqadiisa ugama hadlin natiijada hawlgalkaas, waxaana uu kaga hadley keliya doorka Maraykanku kulahaa oo keliya.
“Ciidamada Maraykanku waxay siiyeen taakulo farsamo oo xadeysan ciidamada Faransiiska ee fulinayey hawlgalka, haddii loo baahdo, diyaaradda la socotey kuwa Faransiiska ee Maraykanku lahaa ma sidin wax hub ah” ayuu warqadda ku yiri Obama.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa warqadda u direy sharci dejiyaalka Maraykanka, isaga oo buuxinaya waajibaadka la xiriira marka hawlgal dagaal la qaadayo, taas oo khasbeysa in uu ku wargeliyo mudo 48saac gudahood ah Kongresska.
Diyaaradaha ka qaybqaatey hawlgalkaas fashilmey ayaa gaaraya 6 diyaaradood kuwaas oo 5 kamid ah ay iska lahaayeen dalka Faransiiska, waxaana hawlgalkaas ku dhintey mid kamid ah kumaandooska Faransiiska iyo Denis Allex oo ahaa la haystaha, inkasta oo al-Shabaab ay sheegeen in ay labaduba noolyihiin ayna ar ka soo saarayaan 48saac gudahood taas oo ku beegan maanta.
Abdifiaath Ali (Baadidoon)
Baledweyn Online
News, Desk.