Nabadoon Xuseen Cilmi oo xubinka ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in ganacasatda reer hiiraan ay gacanta isqabsadeen, islamarkana ay u istagaan si wadida howsha isbitalka
Shamso Ciise oo ku hadleysay gudomiyaha ururka hawenka Gobolka ayaa baaq u dirtay dhamaan hayadaha samafalka in ay gacan kageystaan siddii loo sii wadi lahaa howsha Isbitaalka geed ee Magaalada Baledweyne, islamarkaana tilmaantay inuu isbitaalku u hayo shaqo aad u weyn una hayo bulshada reer Hiiraan.
Tan iyo markii ay hayada MSF ay iskaga baxaday isbitaalka magalada baledweyn ayaa waxaa si kordhayay kulamada isdabajoga ah oo looga hadlayoa siddii uu usii shaqeynlahaa isbitaalka guud ee magalada baledweyne ee xarunta Gobollka Hiiraan.