January, 03-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Daroonka (Drone) ee Maraykanka ayaa duqeeyey gaariga uu leeyahay mid kamid ah hogaamiyaasha beelaha Wasiristaan kana mid ah hogaanka Talibanka Pakistaan, weerarkan ayaa ka dhacay waqooyiga gobalka Wasiristaan ee dalkaasi Pakistaan.







Mullah Abdulnasir ayaa kamid ahaa hogaamiyaasha Talibanka ee dalkaasi Pakistaan ku sugan, wuxuuna kamid ahaa hogaamiyaasha horey xiriirka ulla lahaan jiray dowlada Pakistan iyo waliba hogaanka sare ee Talibanka ka dagaalama dalka Afghaanistaan.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa duqeeyey gaarigiisa waxaana la xaqiijiyey in hogaamiyahan ku dhintay weerarkan sidoo kale qaar kamid ah illaaladiisa ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeyntan.

Weerarkan ayaa kusoo beegamaya maalmo kadib markii Xabsiga Pakistan laga siidaayey qaar kamid ah hogaamiyaasha Talibanka ee Afghaanistaan oo ay horey u xirtay dowlada Pakistaan.

Dilka hogaamiyaha Mullah Abdulnasir ayaa imaaneysa xili ay socodaan waan waan laga dhex wado kooxda Talibanka iyo Dowlada Afghaanistaan oo ay garwadeen ka yihiim Maraykanka iyo NATO oo doonaya inay ciidamadooda kala baxaan dalka Afghaanistaan sanadka soo socda 2014.

Maraykanka ayaa sii wada xiriirka uu si hoose ulla sameenayo hogaamiyaahsa Talibanka halka uu wado weerarada uu ku qaadayo hogaamiyaasha uu arko inay caqabad ku yihiin waan waanta ay doonayaan inay ka dhex bilaabaan Talibanka iyo dowlada Afghaanistaan. Balse dilka Mullah AbdulNasir ayaa keeni kara caqabado soo wajaha wadahadalkaasi.

Baledweyn Online
News Desk


Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS