Warbixinta kasoo baxday Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan xaquuqul Insaanka oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay in tiradan ay tahay mid kooban oo ay filayaan in dad intaasi ka badan ay ku dhinteen dagaalada ka socda dalka Siiriya.
Tiradan ayaa ah dadkii la xaqiijiyey inay dagaalka ku dhinteen laga soo bilaabo bishii Maarso 2011 illaa iyo bishii November ee 2012. Balse guddiga baaritaankan waday ayaa sheegay in tiradan ay tahay mid kooban oo ay jiraan dad badan oo dhintay balse aan la xaqiijin karin tiradooda oo aan ku jirin tirada haloo bandhigay.
Baledweyn Online
News Desk