Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay R/Wasaare saacid ,Wasiirro iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.
Madaxweyne Xasan ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in mudadii uu ku sugnaa Suudaan uu sidoo kale la kulmay madaxweyne Al-Bashiir kaasoo ay ka wada hadleen horumarinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay u kordhin lahaayeen Taageerada ay siiyaan Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa muddadii uu ku sugnaa dalka Suudaan booqdey shirkadda daabacaysa lacata cusub ee Soomaaliya waxaana uu ka codsadey in ay hakiyaan daabacaaddaas inta dalka laga xasilinaayo loona diyaarinaayo qaabka ay ku hirgeli karto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale mudadii uu joogay Suudaan waxa uu la kulmay jaaliyadda iyo ardayda Soomaalida wax ka barata Suudaan kuwaasoo kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhiska wadankooda.