Safarkan uu madaxweynaha ku joogo Sudan ayaa qeyb ka ah safaro madaxweynaha uu ku marayay dalalka Geeska Afrika dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha iyo shacabka reer Sudaan sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen wafdiga Soomaliya.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Sudan ku aamanay horumarka uu oo ay ka mid tahay biyo xireenka Damazin ee ku yaala gobolka Blue Nile.
Dhanka kale, wafdigan uu mdaxweynaha hogaamniyo ayaa la kulmay arday Soomaaliyeed oo jaamacado ka dhigta Sudan.
Madaxweynahaya ayaa ardayada Soomaaliyeed ku boorreyey iney ku dadaalaan waxbarashada, islamarkaana marka ay dhameystaan ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay aqoontooda ugu adeegaan dalka hooyo.
Madaxweynaha ayaa uga digay ardayda in aysan tahriibin oo ay badda ku dhamaan ama dhulka lama dagaanka ah, kuna cel- celiyay in dalkooda wax u dhaamo aysan jirin.
Wuxuu sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh kula dardaarmay ardayada iney ilaaliyaan sharciyadda dalka Sudan iyaga oo dhowrayo sharaftooda iyo dhamaan tan ummadda Soomaaliyeed.