January, 03-2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay tacshiirad ay ku fureen maleeshiyaadka Al Shabaab xaflad aroos oo ka dhaceysay deegaanka Booco ee gobalka Hiiraan.





Xafladan arooska oo xalay ka dhaceysay deegaanka Booco oo ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku dhimatay haweenay kamid ahayd dadkii halkaasi ku sugnaa, kadib markii goobtaasi ay rasaas ooda uga qaadeen kooxda Al shabaab ee deegaankaasi ku sugan. Sidoo kale sadex qof oo kale ayaa weerarkan ku dhaawacmay.


Kooxda Al Shabaab ayaa horey u mamnuucday xaflada Arooska ee habeenkii la qabto ama muusiga laga tumo, mana cada in goobta weerarka lagu qaaday laga tumayey wax muusig ah, balse weerarkan ayaa ah mid ay si weyn uga wada naxeen shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan oo ay qeybo kamid ah weli gacanta ku hayaan xoogaga Al Shabaab.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS