December, 12-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Waxaa maanta ay soo bandhigeen saraakiisha ciidamada maamullka gobollka Hiiraan gacan ku dhiiglayhii dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobollka Hiiraan Marxuun Maxamuud Macalin Xusseen Marya Cade.









Taliyaha qeyba ciidamada maamulka Gobollka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa waxaa uu sheegay inay wadeen dabagallo dheer oo ku aadan dadkii ka dambeeyay dilkii nabadoonka rabi jnatul fardowso haka waraabeyee.

Waxaa qirtay dambiga lagu soo oogay gacan ku dhiigle Muqtaar Xassan Maxamed inuu dilka u geystay Allaha u naxariistee nabadoonka xili uu ku sugnaa goob gancsi uu ku laha gudaha Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobollka Hiiraan.

Waxaana lagu wareejiyay gacan ku dhiiglahaan ciidamada Police-ka ee Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobollka Hiiraan, isla-markaana ay u gacan galiyaan eheladdii iyo qaraabada uu ka nabadoonka ka dhashay si ay u qisaastaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay sadax dhalinyaro ah oo ka soo goosatay Al-Shabaab, iyagoo sheegay inay dhibaato xoogan Shabaabka ku hayaan dadka Soomaaliyeed, sidaasi darteedna ay uga soo goosteen, islamarkaana ay diyaar u yahiin inay la shaqeeyaan ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan.

waana markii ugu horeeysay oo ay ciiamada maamulka Gobollka Hiiraan iyo amisom ku soo bandhigaan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobollka Hiiraan rag ka soo goostay Al-shabaab iyo gacan ku dhiigle.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Baledweyne, Soomaaliya.














Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS