December, 12-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Ciidamada Booliiska dalka Kenya ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen ilaa iyo 6 ruux oo ay kaga shakisan yihiin inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab, islamarkaana ay doonayeen in weeraro ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Kenya.







Dadkaan ayaa laga qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa xuduuda Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo ay doonayeen inay gudaha ugu galaan Kenya si ay qaraxyo ugu fuliyaan sida ay hadalka u dhigeen ciidamada Police-ka dalkaas.

Iyadoo ixdaani ruux ay laabo ka mid ah yahiin kuwa haween ah ayaa waxaa gacanta lagu dhigay xilli ay ku safrayeen gaari nooca loo yaqaano Land Cruiser ah kadib markii Boolis ka tirsan Saldhiga Lagdera ay ku amreen inay istaagaan si markaasi baaritaano loogu sameeyo.

Waxaana markii la joojiyay oo baaritaano lagu sameeyay gaariga ay saarnaayeen dadkani gacanta lagu dhigay gudaha gaariga waxaa laga dhex helay saddex garneylada gacanta laga tuuro, labo bastooladood iyo 84 xabadood oo rasaas ah, sida lagu qoray wargeyska Standard.


Sarkaal Philip Tuimur ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay shaqsiyaadkaan lixda ruux ah ay qabteen ay kaga shakisan yihiin kooxo argagixiso ah sida uu sheegay, isagoo intaasi ku daray afar ka tirsan shaqsiyaadkan ay gacanta ku dhigeen ay baxsadeen kadib markii ay ka boodeen gaariga oo socda xilligii la joojinayay.

Sio kastaba ha ahaatee waxaa ay tilmaameen saraakiisha dalkaas inay ka war heleen aqbaarta ragaani gacanta lagu dhigay ay doonayeen inay weerar qaraxyo ah ka fuliyaan magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Waqooyi bari Kenya.


Baledweyn Online
News, Desk.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS