Ninkaani ee lagu magacaabo Al-masri ayaa qirtay bishii july isku day uu ku samayay in uu lacago u diro Al-shabab ee ka dagaallamo gudaha dalka Soomaaliya.
Al-masri ayaa sidoo kale lagu eedeyay abaabulka iyo fangarenta dhalin yaro u soo amba mabaxysa wadankani Soomaaliya si ay uga qeyb qataan dagaalada Al-shabab ay kawado Soomaaliya.
Dacwad oogaha guud ee waqooyiga Illinois ee wadanka maraykanka Gaari Shabero ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Shakir Al-masri isku dayay in uu ku biro urur maraykanka uu rumaysan yahay in ay yihiin argagexiso.
Waqti hore oo bishi july ah xafiiska dacwad oogaha gobolka Chicago ayaa sheegay in Shakir Al-masri uu la socday in Al-shabab ay weeraro argagexiso ah ay ka fulinayso wadanka Soomaaliya maraykankana uu ku daray liiks madaw ee argagexisada.
Baledweyne Online
News, Desk.