December, 12-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Hogaamiyaha Alshabaab ee dalka Soomaaliya Abuu Zubeyr ayaa dhawaan soo diray cajalad cod ah, taasoo lagu soo beegay sanadka cusub ee 1434 ee Hijriyada oo dhawaan bilowday.








Hogaamiyaha Alshabaab ayaa ka hadlay arrimo farabadan oo ku saabsan caalamka iyo Musliliinta ku nool.

Abuu Zubeyr ayaa sheegay in sanadka soo socda uu rajo ka qabo in dhulka laga heysto muslimiinta uu gacantooda kusoo laabto.

Cajalka uu soo diray Abuu Zubeyr oo ku baxayey afka carabiga ayuu uga hadlay Muslimiinta ku nool dalalka Carabta, Itoobiya, Kenya, Burma iyo meelo kale.

Wuxuu sidoo kale cajaladda uga hadlay itaal darro uu sheegay iney soo food saarttay dalalka reer Galbeedka.

Abuu Zubeyr markii uu ka hadlay arrimaha Soomaaliya wuxuu sheegay iney weli Alshabaab heystaan qeybo ka badan oo ka mid ah dalka, islamarkaana maamulladii ay u dhiseen gobollada dalka ay shaqeynayaan.

Hogaamiyaha Alshabaab ayaa baarlamanka Soomaaliya ku tilmaamay mid laga dhex xulay bulshada rayidka ah oo uu sheegay iney leeyihii dhaqanka reer galbeedka iyo dad kusoo barbaaray dalalkaas, kuwaasoo uu sheegay ineysan diin dan ka laheyn.

Mar uu ka hadlay Muslimiinta Kenya ayuu ugu baaqay iney iska kiciyaan dowladda Kenya oo uu sheegay iney cadow ku tahay, islamarkaana diintooda difaacaan, kheyraadkoodana ay kasoo ceshtaan.

Abu Zubeyr ayaa waxa uu sheegay in ay awood u heleen in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya ayna fashiliyeen ujeedooyinkii ay dowlada Kenya ka lahayd dalka Soomaaliya.

Arrimaha dalka Ethiopia ayuu sheegay inay tahay fursad in Meles Zanawi geeridiisa laga faa’ideysto ayna tahay in shacabka reer Ethiopia la dagaalamaan xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Hailamariam Desiglen.

Markii uu ka hadlayey dhibaatada lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee dalka Burma ayuu sheegay in dalalka Islaamku tilaabo u qaadi waayeen sidii Muslimiintaas loo badbaadi lahaa.

Abuu Zubeyr ayaa sheegay in halkaas Qaramada Midoobay aysan u dirin wax ciidan maadaamada sida uu yiri aysan halkaas joogin koox Islaami ah oo lala dagaallamo ama shidaal la booboo.

Al shabaab ayaa sanadkii tegay iyo sanadkaan laga saaray goobo farabadan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Baledweyne, Kismaayo, Bayadhabo, Xudur, Marko iyo Jowhar, hase ahaatee weli Alshabaab waxey maamulaan dhul baaxad leh.



Baledweyn Online
Muqdisho, soomaaliya

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS