December, 12-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti Idiris Cali ayaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.






Gudoomiyaha baarlamanka Jabuuti Idiris Cali waxaa la socday xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo dad kale.

Markii wafdiga ka sicday Jabuuti soo gaaraya garoonka Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay labada guoomiye baarlaman ee Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Idiris Cali.

Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horey la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in imaashaha afhayeenka baarlamanka Jabuuti uu yahay mid xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sidoo kale afhayeenka baarlamanka dalka Jabuuti Idiris Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa tibaaxay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu yimaado magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ka socota dowladda Jabuuti ayaa kulan kula yeeshay Hotelka City Place ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamanka Jabuuti Idiris Cali ayaa ah gudoomiye baarlaaman kii ugu horreeyey ee ka socda dalalka Afrika ee yimaada Muqdisho.


Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS