December, 11-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Fanaanka Khaalid Shariif Axmed (King Khalid) iyo Fanaaniinta C/xakiin Fara yare iyo Xasan Cujeer Cajame ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.









Gudoomiyayaal Degmooyin iyo haweenka Gobolka banaadir ayaa soo dhaweeyay fanaaniintan, waxayna uga hor tageen Garoonka muqdisho.

Fanaanka King Khalid oo saxafada kula hadlay qolka martida VIP-da ee Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in 20- sano ka hor ay ugu danbaysay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ku soo laabto dalkiisa Hooyo.

Dadkii soo dhaweeyay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaaweeye iyo Guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab.

sidoo kale Fanaaniintan ayaa ka mid Noqonaya fanaaniin bilihii u dambeeyay soo booqanayay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka mid ahaayeen Fanaaniinta yimid Fanaanka Jooqle Shire Jaamac iyo Fanaanada Seynab Laba-dhagax oo labo jeer Muqdisho timid.

Fanaanka Keynaan cabdi Warsaame ayaa ahaa fanaankii ugu horeeyay ee soo gaara Muqdisho, Xiligaas oo abaaro iyo gaajo baahsan ka jirtay Soomaaliya.


Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS