December, 09-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Ugu yaraan labo ruux ayaa caawa koox hubeysan ku toogteen gudaha maagalada Gaarisa ee xarrunta gobolka Woqooyi Bari Kenya.





Labada ruux ee la dilay ayaa lagu toogtay goob lagu shaaho sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa, waxaana weerarkaas dhaawac ka soo gaaray ruux sadexaad.

Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday, lamana garano sababta dadkaas loo dilay, hase ahaatee amaanka magaalada Gaarisa ayaa sii xumaanayey bilihii lasoo dhaafay.

Dadka magaalada Gaarisa oo muddo 3 todobaad ah ka nastay qalalaasaha ayaa caawa mar kale cabsi soo wajahday, iyadoo goobo farabadan la dhoobay ciidamada amaanka Kenya.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay iney ku hubeysnaayeen bastooladu, waxaana xaafadda ay dilka ka geysteen lagu magacaabaa Gaarisa Yarey.

19-kii bishii November ee tagtay ayaa maalin cad magaalada Gaarisa lagu toogtay 3 ka mid ah ciidamada milateriga Kenya, taasoo keentay in milateriga Kenya dab qabadsiiyaan suuqa ugu weyn Gaarisa ee lagu magacaabo Suuq Muqgdi.

7-dii bishaan ayaa bam gacmeed lagu weeraray afaafka hore masjidka Alhidaaya oo ku yaalla magaalada Nairobi waxaa ku geeriyooday 5 ruux, 8 kale oo uu ku jiro xildhibaan Yusuf Xasan oo laga soo doorto xaafadda Kamakuji-na wey ku dhaawacmeen.


Baledweyn Online
News, Desk.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS