Suxufiyiinta Qurbo Joogta Hiiraan Oo Dhawaan Ku Dhawaqi Doono Urur Ay Ku Mideysanyihiin
kadib markii dhawanahanba wada tashiyo iyo kulumo kala duwan ay suxufiyiinta qurbo joogta ah ee reer hiiraan ku lahayeen magaloyinka johannesburg iyo cape town ee dalka koofur afrika kaasi oo ay kaga gol leeyihiin mideynta suxufiyiinta ayaa kulmadaasi hormar balaran laga gaaray iyadoo ay suxufiyiinta ay dhawaan ku dahwaaqi doonaan urur ay ku mideysanyihiin oo lagu magacabo Hiiraan Journalist Of South Africa ( HIJOSA) kaasi oo wax badan kuso kordhin doono saaxada saxafada gobolka hiiraan islamrkaane hormar la taaban kara mustqablka hiigsan doona
Suxufiyiintan ayaa inta badan kulamadooda kulafa guray xaaladda warbaahineed ee gobolka, iyo sidii wariyaasha ku sugan hiiraan iyo Dhammaan kuwa dalka ka soo barakacay u heli lahaayeen isku xirnaan buuxdo, si loogaaro hor umar dhanka warbaahinta ah waxana la leysla gartay in marka hore wariyaasha kusugan koonfur afrika la mideeyo, loona sameeyo dalad ay ku mideysanyihii
Falaqey dheer iyo kulamo wadatashiyo ah, waxaa leysla meel dhigay in lagu dhawaaqo Hiran jounalists of south afrika oo Marka Magaciisa la soo gaabiyo Loo yaqaano HIJOSA , kaasi oo dhawaan la shaacin doono Xubanaha uu ka koobnaan doono
Dhammaan wariyaasha qurba joogta hiiraan ayaa lagu wadaa in isbuuca soo socdo doortaan xubnahii hogaamin lahaa urukan , iyagoo gabi ahaanba soo dhaweeyay in la helo maamul ay ku mideysanyihiin
Omar Kiyow
Cumar065@hotmail.com
George
Koofur Afrika