December, 09-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Wararka iminka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ku waramayaan in kadib saakay markii ay la wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Amisom Degmadaasi mar qura laga maqlay qarx xoogan oo dhamaan xaafadaha degmadaasi oo dhan laga wada maqlay.







Warar hordhaac ayaa sheegaya inuu qarxaani yahay mid lagu aasay dhulka oo ay horey u sii galiyeen Al-shabaab goobo cayiman, islamarkaana waxaa lala eegtay qaraaxaasi ciidamada huwanta oo ku sugnaa xaafada Horseed (No- Uno )oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa labaad ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar kaasi oo isna aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa isku fidinaya xaafadaha kala duwan ee Jowhar iyagoona dagaya baro muhiim ah ay horey maleeshiyaadka kooxda al-Shabaab ee ka arrimin jiray Magaaladasai xarumo ugu aheed, hase yeeshee xaalada degmada Jowhar ayaa wali kacsan.

La soco wararkeena dambe Insha Allah.


Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Muqdisho, Soomaaliya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS