December, 09-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Wadanka Kuweyd ayaa waxaa sii xoogeysanaya banaanbaxyada ay sameynayaan dadka shacabka ah kadib doorashaddii baarlamaanka cusub ee dalkaasi oo la qabtay todobaadkii aynu soo dhaafnay.






Boqolaal ka tirsan shacabka reer Kuweyt ee sameynaya banaanbaxyada aadka u waaweyn ayaa waxa ay codsanayaan in si deg deg ah loo kala diro baarlamaanka cusub oo ay ku tilmaameen mid doorashadiisa ay u dhacday si sharci darro ah.

Dadkaan dibadbaxayaasha ah oo isugu so baxay fagaarayaal ku yaalla magaalada Kuweyt maalintii shalay aheyd ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan dowlada dalkaasi, iyo doorasahdii ka dhacday dalkaasi

Dowlada ayaa lagu eedeenayaa inay musuq maasuqday doorashada, isla markaana shuruudaha doorashada wax badan ka bedashay maalmo kahor doorashada.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayey mudaharaadyo rabshado wata ay ka dhacayeen gudaha magaalada Kuwayt, balse mudaharaadkii shalay dhacay oo ahaa kii ugu balaarnaa, ayaan wax rabshado ah keenin.

Dadka banaanbaxayey ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah in khal khal amniga la gasho, ayagoo sidoo kale ku baaqayey in dowlada ay dhageysato shacabka sida nabada ah uga codsanaya in doorasho xalaal ah ay dalkaasi ka dhacdo.

Waxaa sidoo kale ka soo horjeestay doorashadaasi mucaaradka dalkaasi, kadib markii ay diideen inta badan mucaaradka dalkaasi kuweyt inay codeeyaan ayaa waxaa la shegayaa in dowlada dalkaasi ay sameysay musuq maasuq halka shacabka aysan codkooda dhiiban 80%, taasoo ay ku soo baxday doorashada xisbiga shiicada.

Baledweyn Online
News Desk


Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS