Madaxweynaha Masar ayaa u muuqda inuu tanaasul u sameeyey shacabkiisa Masar oo si weyn uga horyimid go’aankii uu qaatay 22-kii bishii November ee uu ku balaarinayey awooda Xafiiskiisa, isla markaana asagoo wareegtooyinkaasi ku sheegay in Garsoorka aysan ka horimaan karin go’aamada kasoo baxa Xafiiskiisa.
Inkastoo Madaxweyne Morsi uu dib uga noqday go’aankiisii hore ee la xariiray Awoodiisa, ayuu hadana sheegay inuusan waxna ka qaban karin wakhtiga loo qabtay qaadista Aftida Dastuurka cusub oo ku beegan 15 bishan December.
Madaxweynaha dalkaasi ayaa waxaa uu balan qaaday haddii bulshada reer Masar ay diidaan dastuurka cusub ee aftida loo qaadi doono, balse ay guddiga soo qoraya dastuurka kale oo cusub ay noqn doonaan mid ay shacabka ayna baarlamaanka soo magacaabi doonin.
Si kastaba ha ahaatee go’aanada cusub ee kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Masar ayaa ah mid lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay dalkaasi oo ay dad ku dhinteen, kadib markii ay gacanta isula tageen mucaaridka kasoo horjeeday go’aamadii hore uu qaatay Madaxweynaha iyo waliba taageerayaasha xisbiga Akhwaan Muslimiinka.
Baledweyn Online
News Desk