Ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay ay ku sugan yihiin Xaafada Hantiwadaag, iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada Jowhar.
Sidoo kale ciidamada ayaa durba tagay xarumihii maamulka, iyagoo u muuqda kuwo taxadir ku socda, waxaana la sheegay ineysan weli gudaha u gelin saldhiga booliska oo ay hubinayaan.
Ciidamada dowladda iyo Amiso ayaa sidoo kale la sheegaya iney qabsadeen garoonka diyaaradaha Jowhar iyo deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay, oo u jirta Jowhar ilaa 30-KM kadib markii ay mareen wadooyin Jowhar hareer mara.
Abaanduulaha ciidaamada xooga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf “Dhegabadan’’ ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay si buuxda ula wareegeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dadweynaha magaalada ayaa isugu soo baxaya laamiga, si ay u daawadaan sida wax u socdaa, waxaana dadka sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, iyadoo aan la soo sheegin wax dagaal ah oo dhacay markii ciidamada is garabsanaya magaalada gelayeen.
Ciidamadii Alshabaab ee ku sugnaa magaalada Jowhar aya la sheegay iney saaka u baxeen dhanka xadka gobolka Shabeellaha Dhexe uu kalal leeyahay gobolka Hiiraan.