Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa nooca gacanta laga tuuro, qaraxa kowaad markii uu dhacay ayaa waxaa dhumey dhamaan kontroolkii dadka waxaana dhaawac iyo dhimashoba soo gaartey dad Soomaali u badan isla markiiba waxaa dhacay qarax kale kaas oo isaguna geystey khasaare.
Warar hordhac ah aya awaxaa ay sheegayaan inay ku jireen dadka la bartilmaameysanaayo Xildhibaanka laga soo doorto Xaafada Eastleigh Yusuf Xassan uu ka mid ahaa dadkii lagu bartilmaameedsadey qarxaas, hase yeeshee waxaa la soo warinayaa inuu dhaawac soo gaary xildhibaanka.
Iyaddoo qarxaani uu noqonaya kii labaad oo ka dhaca hal isbuuc gudahooda xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, maalmo ka hor ayay aheyd markii uu qarax xoogan ka dhacay xaafada Eastleigh ee Soomaalidu ku badan tahay, sidoo kale waxaa todobaadyo ka hor lagu qarxiyey isla xaafadaas Bas ay saarnaayeen dad rakaab ah kaas oo ay ku dhinteey dad kor u dhaafaya 10 qof.
Baledweyn Online
News Desk