December, 07-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku maraya dalka Turkiga ayaa magaalada Istambuul kula kulmay R/wasaaraha dalkaasi Rajab Dayib Erdogan.





Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Rajab Erdogan ayaa waxay kulankooda uga hadleen sidii Turkiga uu qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga uu kawado Soomaaliya.
Wasiirka gaashandhigga C/xakiin Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga Madaxweynuha ku wehliya socdaalka uu ku marayo dalka Turkiga ayaa sheegay in madaxweynaha uu la kulmay R/wasaaraha dalka Turkiga islamarkaana ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan ammaanka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ayaa horay magaalada Ankara kula soo kulmay madaxweynaha dalka Turkiga iyagoo halkaasi ku kala saxiixday heshiisyo dhowr ah.



Baledweyne News

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS