December, 07-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Koox Burcad koofur Ah Oo Dhalo Ku Jar Jaray Muwaadin Soomaaliyeed Mid Kalane Dhawacay Duleedka Magalada Pretoria

Sida u ii xaqiijiyay Mohamed Adan shiidow oo ku sugan magalada Pretoria Kooxo burcad koofur afrikaan ah ayaa 24 saac ugu danbeyayay weeraro ay ka geyteen degaanka soshenguve ku dilay ganacsadae soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Cali Jano Gale kaasi oo ku sugnaa dukaankiisa marxuumka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dhalo oo ay burcadaasi ku jarjareen qaar kamida halboolayaasha jirkiisa .kadib markii uu damcay in uu iska difaaca weerarka burcada xili uu qori ula baxay hasa ahaatee ay xabadii uu ku ridi laha ka kadibtay

Sidoo kale Habeen Ka Hor Degaanka mamelodi ee isla magalada Pretoria Kooxo burcad koofur afrikan ayaa weerartay dukaan ganacsi oo ay dhalanyaro soomaali ah joogeen xili habeen saq dhax ah uu xirna dukaanka ayna jiifen dhalanyarada iyagoo ku jabiyay dukaankna uguna galay waxaana ay halkaasi ku dhawaceen mid kamid ah dhalanyaradii joogtay oo ay gacanta Bir Ay wateen kaga jabiyay


Burcada Koofur afrikaanka ayaa inta badan degaanada ay soomaalida ku ganacsadaan weerar joogta ah u ka geysta iyagoo ujeedkooda yahay inay dhacaan ganacsiga soomaalioda misana dilaan hantiilayaasha ganacsiga iyo dadka ka shaqeeya xili aysan jirin dowlad ama hay,add si toos ah ula xisaabtanta dowlada koofur afrika islamarkaane kala hadasha dilalka wax laga qaban la yahay oo lala bartilmaameedsanaya soomaalida dalkan magangaliyada usoo raadsatay hadane nolashooda ka maareynaya ganasiyo ay abuurteen madaamo xili aysan jirin hay,add qaxooti oo dhaqaala siineysa



Omar Kiyow

Cumar065@hotmail.com

George

Koofur Afrika



Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS