December, 07-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Madaxweynaha Jamhuuriyada dalka Masar Maxamed Morsi ayaa waxaa uu wada haddallo ugu baaqay kooxaha ka soo horjeedo oo muraadaka ku ah dastuurka qabyada ah oo la sheegay in afti loo qaadi doono 15-ka bishaan aynu ku jirno ee December ah.








Maxamed Morsi oo telefishinka kala hadlay shacabka Masar, ayaa u tacsiyeyey dadkii wax ku noqday banaanbaxyadii looga soo horjeeday dowladiisa, wuxuuna ugu baaqay kooxaha kasoo horjeeda in ay wadahadal isugu yimaadaan maalinimada beri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 8-da bisha Deceber.

Morsi ayaa ugu baaqay dhalinyarada Kacdoonka oo ayagu si weyn uga soo horjeeda qorshihiisa inay wadahadalka kala soo qeyb galaan koox sharci-yaqaano ah iyo dowlada si isla-markaa uga wada xaajoodaan si toos ah oo ay isla meel dhigaan arrimaha.

Kooxda dhalinyarada Kacdoonka ee loo yaqaan (April 6) ayaa ku gacanseyray baaqa Madaxweynaha waxayna sheegeen in maalinimada Jimcaha oo maanta ah qaban doonaan banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo dowlada Morsi.

Sikasta ahaatee xaalku madaxweyne dalka Masar ayaa waxaa uu ilaa iyo iminka ka biyo diidan yahay inuu wax ka bedalo dikereetooyin uu soo saaray 22-kii November oo uu awoodiisa ku baahiyey, isla markaana go’aankiisa ka dhigay mid ka sareeya Garsoorka wadankaasi, iyadoo la fili doono inuu maanta ka dhacaan mudaaharaadyaddii ugu cuslaa.


La soco wararkeena dambe Insha Allah.

Baledweyn Online
News Desk


Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS