Waxaa la rumeysan yahay qof iska dhigayey inuu ahaa Nabadoon uu isku qarxiyey Agaasimaha sirdoonka Mr.Asadullah Khalid, waxaana la sheegay in mas’uulkan lagu sameeyey qaliin, xaaladiisana ay hada degen tahay sida uu sheegay Afghayeenka Madaxtooyada Afghaanistaan.
Madaxweynaha dalkaasi Xamiid Karsaay ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka uu ku jiro madaxii sirdoonka Afgaanistaan, waxaana la sheegayaa inuu dhiig bax badan sameeyay ka hor inta aan lagu sameyn qaliinka, balse iminka uu roon yahay.
Asadullah Khalid oo horey uga mid ahaan jiray Golaha Wasiirada ayaa dhawaan loo magacaabay xilka hogaanka sirdoonka, waxaana horey loogu eedeeyey ninkan inuu jirdil u geysto dadka ay qabtaan sirdoonka, sida ay sheegeen hay’adaha xaquuqda Insaanka u dagaalama ee reer Galbeedka.
Ugu dambeyntii ciidamada NATO ayaa waxaa ay qorsheynayan in ay ciidamadooda kala soo baxaan horaanta sanadka 2014ka dalka Afghaanistaan oo awooda ku wareejiyaan ciidamada dowlada Afghaanistaan,kuwaasi oo hada u muuqda inaysan ka guuleysan kooxda Talibanka oo weli ku xoogan qeybo kamid ah gobalada dalkaasi.
Baledweyn Online
News Desk