Waxaa dagaal qaraar uu ka socdaa maalintii afaraad agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dimishiq, islamrkaana waxaa gabi ahaan-ba xeran wadada isku xerta garoonka caalamiga iyo Magaalada Dimishiq dagaalka awgiis.
Dagaalkan ayaa waxaa uu xoogiisa ka socdaa nawaaxiga Airporka Militariga ee Akraba oo ku yaalla wadada aada Airporka caalamiga ah ee Dimishiq International Airports.
Ciidamada Militariga iyo kuwa cirka ee Siiriya ayaa sidoo kale duqeyn xoogan ku haya magaalooyinka Douma iyo Zabadani oo dhanka waqooyi bari ka xiga magaalada caasimada ah, hase yeeshee koonfur-galbeedka Dimishiq ayey duqeyn xoogan ka socotaa halkaasi oo ay kusoo siqayaan kooxaha kacdoonka wada.
Baledweyn Online
News Des