Fanaanka ayaa Goordhow u geeriyooday Xanuun maalintii shalay ku soo booday Sida uu warbaahinta u sheegay Abwaan Cabdi dhuux Yuusuf Cali oo ah Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa xaqiijiyay geerida abwaanka C/risaaq Axmed Heybe oo ah wiil uu dhalay Fanaanka oo isna goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Aabihiis Axmed Heybe Caraalle uu u geeriyooday xanuun deg deg ah ee ku soo booday.
Allaha u naxariistee Axmed Heybe Caraalle ayaa waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta Qaranka ee Waaberi, isla markaan waxaa uu fanka ku soo beeray xiligii kacaanka.