December, 05-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Wararka laga helaya xaafada Islii Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa halkaasi ay ka dhacay qarax aad u culus oo gil gilay guud ahaan xaafadaasi Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida.






Qaraxa oo loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay xaafada Islii gaar ahaan Section 3, lama oga khasaaraha dhabta ah uu dhaliyay qarxaani.


Iyaddoo la arkayay gawaarida gurmadka deg dega ee loo yaqaano Ambulance-yada oo daabulaya ilaa iyo dhowr ruux oo ku waxyeeloowday qaraxaasi, isla-markaana u qaadaya xarumaha caafimaadka si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dhabiibo.

Waxaana xusid mudan in maanta uu afhayeenka Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya Mathew Iteera uu shaaca ka qaaday inay weeraro kaga soo wajahan yahay dhinaca maleeshiyaadka Al Shabaab, loona baahan yahay sida uu sheegay in ammaanka la adkeeyo si looga hortago wax kasta oo ay soo maleegaan kooxda Al-shabaab.



Xafiiska Wararka
Baledweyn Online
Nairobi, Kenya.

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS