Mas’uuliyiinta shirkada ay sheegay in diyaaradu ay duulimaadyo joogto ah ku tagi doonto maalin kasta degmooyinkii kol hore lagala wareegay Al-shabaab ee Baydhabo, Baladweyne iyo Kismaayo.
Iyaddoo ay maanta ay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif International airports ee magaalada Baledweyne ee xarunta Gobollka Hiiraan soo cag dhigatay diyaaraddii ugu horeysay oo ay leedahay shirkadaa, islamarkaana ka qaaday rakaab ku sii jeeda casimada dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay ka war hayaan duulimiyaadyada shirkada, siweynna u soo dhaweynayaan, iyaga oo sheegay in ay wax badan ka dari doonto arinta isku socodka dadka si nabad-galyo ah waliba.
Si kastaba ha ahaatee waxaa arrintani si weyn u soo dhaweeyay bulshada qeybahiida kala duwan ee ku dhaqan Gobollka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobollka Hiiraan, maadaama ay jireen caqabada fara badan oo kala ah wadada isku xerta Magaalada Baledweyne iyo Muqdisho oo hagaagsaneyn iyo ninaca amaanka.
Naga fillo goordhow sawiro haddii Alla Idmo.