Maxamed Morsi ayaa asagu sheegay in dadka mucaaridka ku ah ay dhigi karaan banaanbaxyo, ayadoo xalay ciidamada Booliiska iyo kuwa amniga ay isku hareereeyey Madaxtooyada kadib markii kumanaan shacabka banaanbaxayey ay gaareen Madaxtooyada looga arrimiyo dalkaasi.
Shacabka banaanbaxayey ayaa kasoo horjeeda Dastuurka cusub ee wadanka Masar iyo awoodaha dheeraadka ah ee Madaxweyne Morsi isa siiyey.
In badan oo kamid ah dadka banaanbaxayey ayaa kamid ahaa kuwii ay horey xulafada u ahaayeen xisbiga Akhwaan Muslimiinka ee uu kamid yahay Madaxweyne Morsi, xiligii kacdoonkii xukunka looga tuurayey xukuumadii Xusni Mubaarik.
Labo todobaad kadib ayaa lagu wadaa in dalka Masar ay ka dhacdo Aftida loo qaadayo Dastuurka Qabyada ah ee wadankaasi Masar loo sameeyey.
Baledweyn Online
News Desk