December, 05-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Isbaheysiga NATO ayaa ugu danbeyn go’aansaday in Gantaalada Maraykanka sameeyeen ee loo yaqaan (Patriot) ay geeyaan xaduuda u dhaxeysa wadamada Turkiga iyo Siiriya.






Go’aankan ayaa lagu gaaray shir shalay (Salaasa) ay wadamada NATO ku yeesheen xaruntooda magaalada Brussels ee dalka Belguim.

Xoghayaha Guud ee NATO Anders Fogh Rasmussen ayaa sheegay in go’aankan ay qaateen kadib markii codsiga uga yimid wadanka Turkiga oo asagu xubin ka ah NATO.

Rasmussen ayaa halkiisa ku daray in gantaaladan ay yihiin kuwo “Difaac” ah oo kaliya.

Dowlada Turkiga ayaa horey uga dalbatay NATO in gantaaladaasi meesha dheer wax ka dila loo keeno si ay uga gaashaamato duqeyn uga imaan karta dowlada Siiriya ee jaarka yihiin.

Sharciga u yaal Isbaheysiga NATO ayaa ah in ay si wadajir ah u difaacaan dowlad xubin ka ah Isbaheysigooda hadii lasoo weeraro.

Waxaana lagu wadaa in labada todobaad ee soo socda in gantaalada la geeyo xaduuda Koonfureed ee dalka Turkiga la wadaago wadanka Siiriya.

Gantaaladan ayaa la sheegay inay keeni doonaan labada wadan ee Holland iyo Germany oo ayagu kamid ah isbaheysiga NATO.

Dowlada Siiriya ayaa go’aankan ku tilmaamtay mid khatar horleh keeni kara, sidoo kale dowlada Ruushka ee taageerta Xukuumada Bashaar Al Assad ayaa go’aanka NATO ku tilmaamay mid khaldan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey isa soo tarayeen digniinta wadamada reer Galbeedka u dirayaan wadanka Siiriya, inuusan adeegsan hubka Kiimikada.

Wadanka Siiriya ayaa heysta boqolaal gantaalada tiirada dheer ah, kuwaasi oo qaadi kara hubka sida ba’an wax u gumaada ee Kiimikada ah.

Baledweyn Online
News Desk

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS