December, 05-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaal iyaga iyo Alshabaab dhexmaray iyo qarax miino oo lala beegsaday gaari ciidan saaranaa oo ay lahaayeen.





Maamulka Puntland oo war-saxaafadeed maanta soo saaray ayaa sheegay dagaalkii xalay oo ay sheegeen inuu ka dhacay buuraha Galgala lagu dilay 7 ka mid ah Alshabaab, ciidamada Puntland looga dilay 2 ka mid ah daraawiishta.

WAR SAXAAFEED
5 December 2012

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo qaadeen kooxda argagaxisada Alshabaab agagaarka buuraleyda Galgala.

Xalay abaare 11:00 habeenimo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku sugan agagaarka Buuraleyda Galgala. Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho weerarkaasi kasoo qaaday ayaa Ciidamada Puntland ku guleysteen in ay jabiyaan weerarkooda.

Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah.

Labo askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku shahiidey weerarkaasi, Ciidamada Puntland ayaa ku raad jooga wixii ka haray argagaxisadii weerarka soo qaaday.

Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Dowladda Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh ujeedooyin siyaasadeed gudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.

--- DHAMAAD ---

Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS