April, 08-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Haddaba maanta bal waxaynu wax ka tilmaami doonaa haddii Ebbe idmo calool istaaga. Qofku marka ay calooshu taagan tahay ma dareemo farxad,ee wuxuu dareemaa dareen diiqad ah. ”Calooshii baa i taagane maxaan sameeyaa” . Calooshu waa injiinka dhan ee jidhka. Haddii ay calooshu si fiican u shaqayn weydo, jidhka intiisii kalena ma shaqaynayaan. Tusaale, gaadhiga caadiga ah, haddii ijiinkuusi xumaado ma dhaqaaqayo. Calooshuna waa sidaas oo kale.





1-Waa maxay Calool istaagu
2-Maxaa keena/sababa calool istaaga?
3-Yuu ku dhacaa calool istaagu?
4-Sidee loo dareema calool istaaga?
5-Sidee looga hor-tegi karaa
6-Maxaase lagu daawayn karaa?

Bal haddaba waxaynu yara qaadi dhigi doonaa mawduucan calool istaaga.

Waa maxay Calool istaagu?

Calool istaagu sida magacaba laga dareemi karo,waxa weeyi caloosha oo qofka taagan, ama ay ku adag tahay in ay saxaro ka timaado. Waa qofka oo aan saxaroon muddo 3 cisho wax ka yar.

Maxaa keena/sababa calool istaaga?

Waxa keena ama sababa dhawr waxyaalood oo ay ka mid yihiin.

Stress-ka iyo werwerka
Degaan cusub,
Cuntada noocii uu qofku cuni jiray oo uu bedeley (cunto cusub)
Biyo cabid yarid
Caanaha
Buushiga oo cuntada la cunayo ku yar (Fibers)
Dawooyinka qaarkood sida, dawada ay ku jirto macdanta birta (iron), , dawada xanuunka yaraysa Morfin, dawooyinka dhiig karka yareeya qaarkood
Cudurka cansarka oo ku dhaca mindhicirka weyn iyo ka dabada,
Xaydka dhiiga dumarka (dhawrka maalimood ee u danbeeya ayey dumarka dareemaan calool istaag)
Uur qaadid (dumarka)
Fadhiga badan
Sariir jiifka badan (muddo dheer)
Bilaa jimicsi

Calool istaagu waxa uu keenaa cudurka babaasiirta.

Yuu ku dhacaa calool istaagu?

Calool istaagu ma kala laha da´ ee da´ kasta uu ku dhici karaa, ragga, dumarka, dadka waaweyn iyo carruurta, marka laga reebo carruurta naaska jaqda oo aanu ku dhicin calool istaagu.

Sidee loo dareemaa calool istaaga?

Calool canuun adag
Xanuun xaga boga
Calool buuran

Sidee looga hor-tegi karaa ama se lagu daawayn karaa calool istaaga?

Iska yaree ama iska ilaali stress-ka iyo werwerka (maadaamooy stress-ka iyo werwerkuba ay keenaan calool istaag. Waxaa uu jidhku u baahan yahay wakhti nasasho.
Biyo badan cab maalintii
Cunto buushigu ku jirto cun (Fibers)
Cun khudrada, sida fursud (prunes) (kartinplommon (svenska)
Milixda haku dul daadinin markaad cunayso cuntada
Iska ilaali cunida roodhida cad, waxay keentaa calool istaag
Cab caano gadhoodh ah
Cab biyo diiran.
Jimicsi

Goormaa dhakhtar loo tagaa?

Marka aad isku aragto calaamadahan soo socda
Dhiig la socda saxarada
Midabkii saxarada oo is bedelay
Xanuun badan ama adag oo caloosha
Miisaanka jidhka oo hoos u dhacay.




Bahda Baledweyn Online
Arrimaha bulshadda iyo caafimaadka
Baledweyn@gmail.com.


Halkaan ka Daalaca Wararkii Maanta Oo Dhan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
LATEST NEWS